Diyaarad ay saarnaayeen dad shacab ah oo shil ku gashay garoonka Aadan Cadde

0
167

Diyaarad ay leedahay shirkadda Hala Airlines ayaa goordhow ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyada oo wadday rakaab gaaraya illaa 30 qofood, kuwaas oo ay ka soo qaatay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Warar ay heshay Mustaqbal ayaa sheegaya in Diyaaradda ay xawaaraheeda dhaaftay markii ay cagadhigatay Runwayga garoonka diyaaraddaha, taas oo sababtay in diyaarada ay ku dhacdo darbiga garoonka Aadan Caadde.

Shaqaalaaha gurmadka degdeg ayaa durba gaaray goobta ay ku dhacday diyaaradda, iyada oo baraha Bulshada lagu arkayay sawirro iyo muuqaalo laga soo duubay diyaaradda oo laga soo badbaadinaya dadkii saarnaa diyaaradda.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal oo la hadashay Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in hal ruux uu dhaawac ka soo gaaray shil diyaaradeed oo goordhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka dhacay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradan shilka ku gashay garoonka aysan la socon Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya Cabdiweli Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ka soo ambabaxay Magaalada Garowe, iyagoo ka mid ah Siyaasiyiinta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday shir wadatashi oo looga hadlayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayo in Muqdisho uu ka furma maalinta berri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here