Raysal Wasaaraha Israa’iil Muxuu Ka Yiri Weerarka Ciidamdiisu Ku Qaadeen Jenin?

0
198

Raysal Wasaaraha Israa’iil Muxuu Ka Yiri Weerarka Ciidamdiisu Ku Qaadeen Jenin?

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horreysay xaqiijiyay in militariga dalkaas ay “dhameystirayaan howlgalkii” Jenin.Laakiin waxa uu ka digay in aanu noqon doonin “fal hal mar ah”.

Israa’iil ayaa hawlgalkeeda ka billowday xerada qaxootiga ee Jenin Isniinta shalay, iyadoo weerar ku bartilmaameedsatay ciidamada Jenin Brigades oo ah unug ka kooban kooxo kala duwan oo mintidiin ah oo ay ku jiraan Xamaas.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qaaday duqeymo kale oo dhanka cirka ah, iyadoo boqolaal askari ay gudaha u galeen xerada, waxayna dagaal xooggan la galeen Falastiiniyiin hubeysan oo xerada ku sugnaa.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in “hawlgalka ka dhanka ah argagixisada” uu diiradda saarayay qabashada hubka iyo kooxaha ku dhuumaaleysanaya xerada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here