Muqdisho oo maanta laga maamuusayo Xuska 1da Luulyo iyo Waddooyinka Caasimadda oo xiran.

0
133

Muqdisho oo maanta laga maamuusayo Xuska 1da Luulyo iyo Waddooyinka Caasimadda oo xiran.

Waddooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay u xiran Ciidamada Dowladdda Federaalka maadaama Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho lagu qabanayo Munaasabad lagu maamuusayo 63 sano guurada kasoo wareegtay markii xorriyadda ay qaateen Gobollada Koofurta Dalka ahna Israaca Koofurta iyo Waqooyiga Dalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa xayiray Gaadiidka noocyadiisa kala duwan Waddooyinka Warshada, Soddonka, Wadnaha iyo Makka Al-Mukarrama sabab la xiriirta Madaxda Dowladda oo maraya waddooyinkaas si ay u tagaan Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo lagu maamuusayo Munaasabadda 1da Luulyo.

Ciidamada Nabadsugidda, Booliiska sida Militariga u tababaran ee amniga Caasimadda Gacanta ku haya, Askarta Ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan Koofi casta iyo Ciidamo Booliis ah ayaa Gaadiidka ay adeegsadaan ku jaray Waddooyinka waa weyn ee Muqdisho iyo kuwa xaafadaha dhexmara si aanay Gawaarida rayidka usoo gudbin.

Meelaha qaar xitaa waxaa dib loo celinayaa Dadka lugeynaya ee u socda Goobaha Waxbarasho iyo kuwa Shaqada waxaana ay wareeg dheer usoo marayaan waddooyinka u fudud iyada oo ay xitaa suuragal tahay in waddooyinkaas markale ciidamo kale oo jooga ay dib u celiyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka oo ah Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo Warbaahinta Dowladda kala hadlay Shacabka ayaa ugu baaqay in ay ka qayb galaan Munaasabadda ka dhaceysa Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho.

Geeska Kale, Muqdisho oo saakay Roob waqti badan meelaha qaar ka socday ka da’ay ayaa biyo dhigay waddooyinka qaar ee Caasimadda, Gaadiidka iyo Dadka qaar waxaa ku adkaaday in ay ku dhex socdaan Roobkaas da’aya maadaama ay xiran yihiin Waddooyinka oo aanay jirin Gaadiid ama mootooyin ay raacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here