Dowladdo si weyn uga carrooday falkii foosha xumaa ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

0
147

Dowladdo si weyn uga carrooday falkii foosha xumaa ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

Muslimiinta caalamka kunool qaarkood ayaa si weyn uga carrooday falkii shalay oo ciid aheyd nin kasoo jeeda dalka Ciraaq ku gubay nuqul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka, xilli ay ilaalo ka hayeen ciidamo katirsan booliiska dalka Sweden.

Dalkan ayaana caadi ka dhigay in lagu xad-gudbo kutaabka Qur’aanka, waxaana marar badan fagaare kuyaalla dalkaasi lagu gubay nuqulo kamid ah Qur’aanka Kariimka, kaddib markii maxkamado kuyaalla dalkaasi fasaxeen in la gubi karo kutaabka Qur’aanka.

Dowladda Marooko oo ka carrootay falka lagu gubay kutaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden, kadib markii nin kitaabka Qur’aanka Kariimka ah shala ku gubay bannaanka masaajid ku yaalla bartamaha Stockholm.

Morooko ayaa sidoo kale isla shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden u jooga Rabat, ayadoo u muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin.

Dhinaca kale dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareesay falka shalay lagu gubay kutaabka Qur’aanka Kariimka gudaha dalka Sweden, Turkiga ayaa falkaasi ku tilmaamay in aan la aqbali karin oo xad-gudub ku ah dadka Muslimiinta ah.

Dowladda Turkiga ayaana horey ugu diiday dalka Sweden in ay ku biiraan Gaashaanbuurta NATO , kaddib markii marar kala duwan dalkaasi lagu gubay nuqulo kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here