Ibraahim Richmond oo dhowaan Diinta Islaamka qaatay oo sanadkaan kamid noqday Xujeyda Xajineysa.

0
134

Ibraahim Richmond oo dhowaan Diinta Islaamka qaatay oo sanadkaan kamid noqday Xujeyda Xajineysa.

Ibraahim Richmond oo u dhashay Dalka Koofur Afrika oo saddex bil kahor qaatay Diinta Islaamka ayaa kamid noqday xujeyda u suuragashay in ay xajka tagaan, waxa uu ka xog-warramay sida ay ugu rumowday riyadiisa.

Nin ayaa maamulayay Kaniisad ku taalla Koofur Afrika, markii uu qaadanayay Diinta Islaamka waxa uu dadka hoggaanka u ahaa uu u bandhigay in ay qudhooda qaataan Islaamaan wayna ku raaceen sida lagu sheegay sheekada laga qoray.

Muuqaallo la faafiyay ayaa la arkayay Ibraahim iyo Dadkii la joogay Xerta oo shahaadada aqrinaya iyaga oo markaas kaddib ku dhawaaqay in ay Islaameen oo ay ka tageen Kiristaannimadii ay ku joogeen Kaneesadda.

Mar uu ka xog-warramay Ibraahim Richmond sida uu u aaminsanaa in aanay sanadkaan u suuragaleyn in uu tago Xajka iyo sida ay ugu suuragashay, waxaana uu riyo uu ku farxay ku tilmaamay markii uu xajka tegay.

“Markii ugu horaysay ee la igu casuumay in aan soo xajiyo, maan hubin, Waxaan mooday inaanan tagi karin. Laakiin hadda, halkan ayaan joogaa… anigoo raacaya tallaabooyinkii Nebi Muxamed, NNKH malaayiin dadkayguna waxay raaci doonaan tallaabooyinkan si ay u arkaan iftiinka” ayuu yiri Ibraahim Richmond.

Waxa uu sheegay in Dadkii ku xirnaa uu u bandhigay in ay qaataan Diinta Islaamka isaga oo shaaciyay in ay soo dhaweeyeen isla markaana marqura ay shahaadada wada qabsadeen kuna dhiirrageliyeen go’aanka uu qaatay.

“Kahor inta aan Diinta Islaamka qaadan waxa aan ahaay wadaad kaniisad muddo 15 sano ah, bishii Maarso ayaa go’aansanay in aan diinta Islaamka qaadano oo runtii igu taageereen Dadkii aan hoggaaminayay, waxaana Kaniisadda raacsanaa 100 kun oo qof” ayuu yiri Ibraahim Richmond.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here