Nin aflagaadeyey Nebi Maxamed NNKH oo garaacis lagu dilay
Nin lagu eedeeyay in uu aflagaado diineed geystay ayaa lagu dilay magaalo ku taalla woqooyiga dalka Nigeria.
Usman Buda oo magaalada Sokoto ee woqooyiga dalkaasi ka ah hilible ayey dad muslimiin ah weerareen kuwaasoo dhaawacyo daran u geystay.
Afhayeenka booliska Sokoto Ahmed Rufa ayaa sheegay in Markii ay boolisku gaareen goobta, dadku meesha ay ka carareen iyaga oo ka tagay ninkan oo miyir daboomay markii si xun loo garaacay.
Usman Buda ayey boolisku daweyn u qaadeen ka dib markii ay goobta kasoo badbaadiyeen balse isbitaalka ayuu ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.
Buda ayaa loo dilay ka dib muran dhexmaray ilmo yar oo dawarsanayey kaasoo lacag weydiistay.
Goob jooge ayaa sheegay in uu muranku bilowday kadib markii uu wax u diiday ilmaha. Ka dib waxa uu ku dhawaaqay hadallo aflagaado ah oo ka dhan ah Nebi Muxamed (NNKH).
Muuqaal argagax leh oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad dhagxaan ku weeraraya nin sii dhacaya markii uu turunturooday.
Guddoomiyaha gobolka Sokoto, Axmed Cali ayaa ugu baaqay shacabka gobolka inay isdejiyaan oo ay mar walba ilaaliyaan sharciga, isagoo dhinaca kale ka digay in dadku sameeyaan wax hoos u dhigayo shakhsiyada Nebi Muxamed NNKH.
Bishii May ee sanadkii hore ayay ahayd markii gabar ardayad ah oo aflagaado diimeed geysatay ay weerar ku qaadeen arday Muslimiin ah oo wax ka baranaysay Jaamacad ku taalla magaalada Sokoto, kuwaasoo dilay kadibna meydkeeda dab qabadsiiyey.