Madaxa Wagner oo shaaciyay Sababtii keentay in ay gadood iyo kacdoon sameeyaan
Yevgeny Prigozhin oo Fariin Cod ah maanta oo Isniin ah soo dhigay Barta Telegram ayuu kaga hadlay sababaha ay ciiddankiisa u gadoodeen, isla markaana ay ugu jiheysteen Caasimadda dalkaasi ee Moscow.
Waxa uu tilmaamay inuu ka xun yahay Falkii ay Kooxdiisa ku soo rideen Diyaarad Helikobtar oo ay Milliteriga Raashiya lahaayeen.
Madaxa Kooxda PMC Wagner waxa uu xaqiijiyey in sababaha ay u gadoodeen ahayd Dulmi laga galay Kooxdiisa, wuxuuna xusay inuu jiro Qaraar lagu kala dirayo Wagner bisha soo socota ee July Kowdeeda.
Asaasaha Calooshood-u-shaqaystayaasha Wagner oo soo diray Fariin Cod oo 11 daqiiqo ah waxa kale oo uu ku xusay inaysan xubnaha Kooxdiisa qofna oggolaanin inay Qandaraas Cusub la saxiixdeen Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Raashiya.
Dhanka kale, Yevgeny Prigozhin waxa uu soo hadal qaaday Dhexdhexaadintii Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko, isagoo xusay inuu gacan ka geystay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka taagan, iyadoo Nidaam Sharci loo marayo.
Mar uu ka hadlayey Hadal-haynta Kooxdiisa ee Isku-daygii Afgembiga ee ka dhanka ah Awooda Siyaasadeed waxa uu xusay inuusan ahayn Hadafkooda Qorshahaasi, balse ay Kooxdiisa dareentay Isku-dayga lagu burburinayo
Hadalka Madaxa Kooxda PMC Wagner waxa kale oo uu kaga hadlay Hadafka Gadoodkooda, isagoo tilmaamay inuu Socdaalkooda muujiyey Jiritaanka dhibaatooyinka dhanka Ammaanka ee Raashiya iyo in laga hortago burburinta lala maagan yahay Kooxda Shirkadda PMC Wagner.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay doonayaan in lala xisaabtamo kuwa hagar-daamada u geystay Dagaalamayaasha Kooxda Wagner muddadii uu socday Hawlgalka Milliteri ee ka socda gudaha dalka Ukraine.