Home WARAR MIQDISHO : Askar jirdil u geystay nin baahiyaha gaarka ah qabay oo...

MIQDISHO : Askar jirdil u geystay nin baahiyaha gaarka ah qabay oo xukuno lagu riday

0
373

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Sedax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

๐— a๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Biniโ€™aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

โ€œWaxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hayโ€™adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinkaโ€ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maxkamada ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here