Putin oo go’aan ka gaaray talaabada laga qaadayo Madaxa kooxda Wagner
Aqalka Kremlinka ee looga taliyo dalka Raashiya ayaa Fiidkii xalay shaaciyey in Yevgeny Prigozhin laga cafin doono Dembiyada loo haysto iyo inuu ka ambabixi doono dalkaasi.
Afhayeenka Aqalka Kremlinka, Dmitry Peskov ayaa xaqiijiyey inuu Yevgeny Prigozhin oo ka soo jeeda magaalladda Saint Petersburg la filayo inuu u ambabixi doono dalka Belarus.
Afhayeenka waxa kale oo uu xusay inaan la maxkamadayn doonin Dagaalamayaasha Kooxda PMC Wagner, oo lagu Qiimeyn doono dadaalkii ay ka muujiyeen Jiidaha hore ee Dagaalka ee dalka Ukraine.
Sida laga soo xigtay Afhayeenka Kremlinka waxay Qandaraaslayaasha Kooxda Wagner ee iska diiday inay ka qeyb galaan Gadoodkii iyo dhamaan Unugyadii aan ka qeyb qaadanin Gadoodkaasi loo oggolaan doono inay Qandaraasyo la saxiixdeen Wasaaradda Difaaca ee Raashiya.
Calooshood-u-shaqaystayaasha Kooxda PMC Wagner waxay dhawaan sameeyeen Gadood ballaaran, iyagoo qabsaday Xarumaha Milliteriga ee magaalladda Rostov-on-Don ee Koonfurta Raashiya, iyagoo ku sii wajahnaa Caasimadda dalkaasi ee Moscow.
Balse, Habeenkii xalay ayaa la hakiyey Kumanaankii Dagaalamayaasha Kooxda PMC ee ku wajahnaa Caasimadda Moscow, kadib, markii uu Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko la hadlay Madaxa Kooxda Wagner ee gadoodsanaa, Yevgeny Prigozhin.
Wada-xaajoodkooda ayaa soo dedejiyey inuu Hoggaamiyaha Kooxda PMC Wagner, Yevgeny Prigozhin lagula heshiiyeen inay ciiddankiisa hakiyaan Gulufka ay ugu ruqaansadeen magaalladda Moscow iyo inay dib ugu laabtaan Xerooyinkooda, lana qaboojiyo xiisada.
Hoggaamiyaha Kooxda PMC Wagner oo magaciisa buuxa yahay Yevgeny Viktorovich Prigozhin waa 62 jir halis ku noqday Maamulka Madaxweyne Putin.
Sawirkii u dambeeyey ee laga qaaday Yevgeny waxay ahayd xalay, xilli uu ka sii baxayey magaalladda Rostov-on-Don ee Koonfurta Raashiya, halkaasi oo ay ciiddankiisa qabsadeen shalay oo Sabti ahayd.
Ciiddanka Wagner waxay toogteen 3 Diyaarado Helikobtar ahaa, kuwaasi oo soo galay Hawada Gobalka Lipetsk oo 360 KM ama 225 miles dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda Moscow.
Si kastaba, lama shaacinin, xilliga uu Madaxa Kooxda PMC Wagner Group, Yevgeny Prigozhin uu u dhoofi doono Caasimadda dalka Belarus ee Minsk iyo waxa uu Mustaqbalkiisa dambe noqon doono.