Ruushka oo sheegay in xayiraadda uu ka qaaday waddooyinka Magaalooyinka Rostov, Lipetsk & Gobollada kale.

0
128

Ruushka oo sheegay in xayiraadda uu ka qaaday waddooyinka Magaalooyinka Rostov, Lipetsk & Gobollada kale.

War kasoo baxay Dowladda Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Moscow ay qaadday xayiraadda saaran waddooyinka Magaalooyinka Rostov, Lipestk & Gobollada Kale ee dhaca Koofurta sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ee TASS.

Waxaa bannaanka usoo baxay in Ciidamada Kooxda Calooshood u shaqeysta ee Wagner oo saacdihii u dambeeyay qalqal weyn gelisay ciidanka Xukuumadda Moscow isla markaana dhaliyay hadal heyn saameysay guud ahaan Caalamka.

Inkasta oo aan si dhab ah loo xaqiijin bixitaanka ciidamada Wagner ee deegaannada dhaca Koofurta balse warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tebisay in ciidankaan saacadihii lasoo dhaafay ay sameynayeen dhaqdhaqaaq xooggan.

Kooxda Wagner ayaa dareyntay culeys xooggan oo dhanka Xukuumadda Moscow ka timid inkasata oo ay bannaanka soo dhigeen dhammaan awooddooda militari sida Taangiyada waaweyn iyo Gawaarida ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here