Wiilka Madaxweynaha Mareynkanka oo 26-ka July kasoo hor muuqan doona maxkamad

0
355
WASHINGTON, DC April 18, 2022: Hunter Biden during the White House Easter Egg Roll on the South Lawn on April 18, 2022. This years event theme, EGGucation, will transform the South Lawn into a school community, full of fun educational activities for children to enjoy in addition to the traditional rolling and hunting eggs. (Photo by Demetrius Freeman/The Washington Post via Getty Images)

Wiilka Madaxweynaha Mareynkanka oo 26-ka July kasoo hor muuqan doona maxkamad

Wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter Biden ayaa 26-ka July kasoo hor muuqan doona maxkamad federal oo ku taalla gobolka Delaware, si uu u wajaho dacwado la xiriira canshuurta iyo hubka, waxaa sidaas Arbacadii lagu sheegay dokumenti maxkamad.

Waaxda Cadaaladda ayaa Talaadadii sheegtay in Hunter Biden, oo 53 jir ah, uu ogolaaday inuu qirto dambiga laba dacwad oo fudud oo la xiriira inuu bixin canshuurta dakhli soo galay, iyo inuu galo heshiis ka weecin kara in lagu helo dambi la xiriira hub.

Hunter ayaan la fileyn inuu xabsi galo, taasi oo qeyb ka ah heshiiska dambi qirasho ee uu galay.

Warkan ayaa dhaliyey eedeymo ka yimid Jamhuuriga oo ku saabsan in si eex leh loola dhaqmaya wiilka madaxweynaha Dimoqraadiga.

Eedaha Jamhuuriga ee ku saabsan in Hunter uu dhaq-dhaqaaq ganacsi oo sharci-darro ah uu ka sameeyey Ukraine iyo Shiinaha ayaa horseeday baaritaan ay ka dhasheen dacwadahan.

Hunter Biden ayaa qareen, ololeeye iyo la-taliye u ahaa shirkado shisheeye, wuxuuna si shaacsan marar badan uga hadlay sida uu ula xarbinayo isticmaalka daroogooyinka.

Isha: VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here