Turkiga oo u diyaarsan wareegga labaad ee Doorashada kala baxa ah.

0
177

Turkiga oo u diyaarsan wareegga labaad ee Doorashada kala baxa ah.

Turkiga waxaa ka socda dedaal xooggan ay oo kala sameynayaan Xisbiga Talada haya ee AK Party iyo Xisbiyada kale ee iskaashanaya si ay usoo afjaraan xilheynta Madaxweynaha Dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Doorashada wareegga labaad waxaa loo baahday kaddib markii musharraxa ugu sarreeya uu ka hoos maray codadka boqolleyda ah ee loogu talagalay in lagu kala baxo taas oo ah in 51% (Konton iyo koow boqolkiiba).

28ka May 2023 waa maalinta ay markale Dadka Turkiga ay u dareerayaan in ay markale codeeyaan si ay u doortaan hoggaamiyaha shukaanta u qabanaya Xilka ugu sarreeya Dalkaas oo ay isku hayaan Madaxweynaha talada haya iyo xubinta mucaaradka metalaya.

Recep Tayyip Erdogan ayaa ku celceliyay in uu rejo wanaagsan ka leeyahay Codadka uu ka filayo dadka codeynaya todobaadka soo socda, halka Kemal oo ah hoggaamiyaha dhinaca mucaaradka uu sidaas uu kale rejo naftiisa geliyay.

Doorashada kala baxa ah ayaa loo baahan yahay in ugu yaraan hal musharrax uu gaaro ama uu dhaafo 51% si uu xilka u hanto, dhinac weliba waxa uu wadaa hadallo qurux badan oo uu soo dhigayo bartiisa gaarka ah si uu codka dhankiisa noqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here