Gaarigii ugu horreeyay ee ku shaqeynaya Tamarta Hydrogen oo lagu sameeyay Dalka Morocco.

0
148

Gaarigii ugu horreeyay ee ku shaqeynaya Tamarta Hydrogen oo lagu sameeyay Dalka Morocco.

Dalka Morocco waxaa lagu soo bandhigay Gaari ku shaqeynaya Tamarta Hydrogen waxaana sameeyay muwaadin u dhashay dalkaas oo muddo ku howlanaa hirgelinta riyadiisa ah in uu Dalkiisa ka dhigo waddankii ugu horreeyay Muslim ah ee gaari sameeyay.

Wakaaladda Wararka u faafisa Morocco ayaa ku warrantay in bandhigga lagu soo bandhigay Gaarigaan in ay ka qaybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda iyo Dad kale oo lagu casuumay in ay goobjoog ka noqdaan Gaarigaan cusub.

Shirkadda New Motors oo saldhig weyn ku leh Dalka Morocco ayaa door firfircoon ka qaadatay halka naqshadda ay bixisay Shirkadda kale ee lagu magacaabo Namex iyada oo ugu dambeyn daaha laga rogay natiijada kasoo baxday iskaashigooda.

Gaariga ayaa lagu qoray waxaa lagu sameeyay Morooko (Made In Morocco), Boqor Maxamedka 6aad ee Dalkaas ayaa sheegay in ay arrintaan dalkiisa ka dhigeyso mid dhinaca horumarka iyo waxsoosaarka u jeystay.

Dalal badan oo Morocco ay kamid tahay ayaa u xusul-duubaya sidii ay u tijaabin lahaayeen awooddooda waxsoosaarka waxyaabaha ugu badan ee Dalkaas aasaasiga ka noqday si ay uga maarmaan in dibadda looga keenno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here