Masaajid kuyaalla dalka Mareykanka oo la gubay iyo baaritaano socda

0
126

Waxaa sii kordhaya weerarada islaam naceebka ku saleysan ee lagu qaadayo goobaha cibaadada, gaar ahaan masaajida ee muslimiinta ku leeyihiin dalka Mareykanka , waxaana weeraradaasi geesanaya kooxo lagu tilmaamay cunsuriyiin ah.

Masaajid Towfiiq ee kuyaalla magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa dab la qabadsiiyay, walina ma jiro cid falkaasi ka dambeesay oo ciidamada ammaanka ee magaalada usoo xireen.

War kasoo baxay laamaha ammaanka ee magaalada St. Paul ayaa lagu sheegay in ay baarayaan Masaajidka dab la qabadsiiyey iyo ciddii ka dambeesay, waxa ayna xuseen booliiska in falkaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Masjidka Tawfiiq ayaa xilliga dabka la qabadsiiyay waxaa ku socday dhismo, waxaana falkan walaac xooggan ka muujiyay muslimiinta kunool dalka Mareykanka oo dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato weerarada lagu qaadayo masaajida.

Tirada masaajidda la weerarayo ee kuyaalla gudaha Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa korortay sannadkan, waxa uuna masaajidkani noqonayaa kii lixaad ee sannadkan gudihiisa lagu weeraro gobolka Minnesota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here