Bililiqo loo geystay Dhismaha xarunta safaarada Somalia ee Magaalada Khartuum

0
121

Bililiqo loo geystay Dhismaha xarunta safaarada Somalia ee Magaalada Khartuum

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in shalay la bililqeystay Safaaradda Somalia iyo Xarunta Ergada Hawlgalka QM ee Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed ee (The United Nations Mission in the Republic of South Sudan) ee loo soo gaabiyo (UNMISS).

Waxaa Bayaanka lagu xusay inay Ciidan ka tirsan kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ka dambeeyeen Bililiqada loo geystay Xarumaha Ergada UNMISS iyo Safaaradda Somalia.

Bayaanka waxaa kaloo lagu muujiyey in sidoo kale RSF weerar u geysteen Kaniisad ku taalla magaalladda Umu Durmaan.

Dhinaca kale, Guddiyo ka kala socda Milliteriga Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ayaa waxa uu weli Kulan uga socdaa magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, iyadoo labada dhinac weli isku mari la’ yihiin Kulankaasi oo ay Dhexdhexaadiyaal ka yihiin Sacuudiga, Maraykanka iyo ururka IGAD.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Wafdiga ka socday Milliteriga haya Talada dalka Sudan ay soo bandhigeen 3 Qoddob oo loo baahan yahay inay Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF hirgeliyaan.

Madaxa Ergada Dowladda Sudan waxa uu si cad u sheegay in Wareega Koowaad ee Shirka Nabadda ee ka socda magaalladda Jeddah looga arrinsan doono oo keliya Arrimaha Samafalka Aadminimo, oo aan marnaba laga xaajoon doonin Qaddiyadaha Ciiddanka ama Amniga.

Waxaa Isbuucii 4-aad galay Dagaalka u dhexeeya Ciiddamada kala taabacsan Madaxa Guddiga Milliteriga ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF oo u daacad ah Jeneralka fallaagoobay, jeneral Maxamed Xamdaan Daglo “Hemetti”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here