Israel: “Duqeyn aan ka fulinay Gaza waxa aan ku dilnay saraakiil katirsan Islamic Jihad” Dhanka Falastiin: “Duqeynta Gaza waxaa ku dhintay Haween & Carruur”.

0
164

Israel: “Duqeyn aan ka fulinay Gaza waxa aan ku dilnay saraakiil katirsan Islamic Jihad” Dhanka Falastiin: “Duqeynta Gaza waxaa ku dhintay Haween & Carruur”.

Israel & Falastiin ayaa faah-faahinno iska hor imaanaya ka kala bixiyay duqeyn saakay ka dhacday Marinka Gaza, war kasoo baxay Ciidanka Israel ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay saraakiil katirsan Kooxda Islamic Jihaad.

Sheegashadaas waxaa meesha ka saartay Falastiin oo dhankeeda sheegtay in duqeynta ka dhacday Gaza ay ku dhinteen 12 ruux oo u badan Haween & Carruur duqeyntaas waxyeello kasoo gaartay awgeed u naf baxay.

Labada sheegasho ee iska hor imaanaya ayaa aad u qabsaday warbaahinta iyada oo aanay jirin dhinac ka madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah iyo dadka waxyeellada soo gaartay haddii ay rayid ahaayeen iyo haddii kaleba.

Suxufiyiinta ku sugan Gaza ayaa soo gudbiyay muuqaallo ay ka duubeen qaar kamid ah dhismo ku yaalla Magaaladaas oo gubanaya isla markaana uurada ka baxeysa ay cirka isku shareertay balse xog intaas ka baxsan sooma bandhigin.

Saraakiisha Caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in Gaadiidka Gurmadka degdega ah lagu qaaday Dad rayid ah oo waxyeello kasoo gaartay duqeyntaas si looga daweeyo dhaawacyadaas ay sababeen firirka hubka duqeynta loo adeegsaday.

“Duqeyn aan ka fulinay Gaza waxa aan ku dilnay saraakiil katirsan Islamic Jihad” sidaasi waxaa lagu yiri bayan kasoo baxay Militariga Israel oo lagu faafiyay barahooda gaarka ah kaddib markii duqeyn xooggan Magaaladaas ka dhacday.

War kaas ka duwan oo Falastiin kasoo baxay gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu yiri: “Duqeynta Gaza waxaa ku dhintay Haween & Carruur, ugu yaraan 12 ruux ayaa geeriyootay halka dhaawacyo kale lagu qaaday Gaadiidka Gurmadka degdega ah”.

Weerarada iyo duqeymaha ay is dhaafsadaan Falastiin & Israaiil ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo in la xiro dad badan halka cabsi xooggan ay lasoo deristay dad u badan dhalinyaro oo naftooda uga cabsanaya in la beegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here