CANADA : Gobolka Alberta oo xaalad degdeg ah loo geliyay Dab kasoo billowday Keymaha.

0
187

Gobolka Alberta oo xaalad degdeg ah loo geliyay Dab kasoo billowday Keymaha.

Xaalad degdega ah ayaa looga dhawaaqay Gobolka Alberta Dalka Canada kaddib markii dab kasoo billowday keymaha uu ku fiday Gobolkaas, waxaana ka qaxay ku dhawaad 25,000 (labaatan iyo shan kun) oo ruux.

Madaxa ugu sarreeya Gobolka Alberta Marlaina Denielle Smith ayaa xaaladda ku tilmaamtay mid aanay horay loo arag, waxa uu shaaca ka qaadday in si gaar ah loola soconayo dhibaatadaan kusii faafeysa Gobolkaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Dadka deegaanka ku ah Edson oo ah magaalo ay ku nool yihiin 8,000 (Siddeed kun) oo ruux ayaa lagu wargeliyay in ay degdeg uga baxaan si ay naftooda uga badbaadiyaan waxyeello kasoo gaarta mashaqadaas.

Marlaina Smith ayaa carrabka ku adkeysay in kuleel xooggan oo dhulka mid qalalan ka dhigay uu kusoo kordhay deegaanka sidaas awgeed loo baahan yahay in laga fogaado dhibaatooyinka kale ee soo kordhi kara.

Dhulka gubtay waxaa lagu sheegay 122,000 Hiktor (Boqol, labaatan & labo kun oo hiktar), dabkana uu weli kusii socdo deegaanno horleh oo waxaaba suuragal ah in khasaaraha iyo baaxaddiisu in ay intaas ka badato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here