Wejigii dhabta ahaa ee Fircoon oo markii ugu horeysay la soo bandhigay

0
188

Wajiga Fircoonkii hore ee Masar ugu awooda badnaa, Ramesses II, ayaa la arki karaa markii ugu horeysay muddo 3,200 sano ah iyadoo ay ugu wacan tahay dib-u-dhis cilmiyeed cusub oo lagu sameeyey.

Saynisyahano u dhashay Masar iyo Ingiriiska ayaa iska kaashaday soo qabashada sida uu fircoon u ekaa markii uu dhimanayay, iyag oo adeegsanaya qaabka 3D ee madaxiisa si ay dib ugu dhisaan muuqaalkiisa.

Dib u dhiska cusub ee sawirka, Ramesses II, Fircoonkii ugu awoodda badnaa Masartii hore, ayaa hadda lagu aqoonsan karaa muuqaalkiisa. Habkan, waxay awoodeen inay beddelaan saamaynta gabowga oo ay ku soo celiyaan wejigiisa heerkii ugu fiicnaa.

Sawirka soo baxay, sida ay ku tilmaantay Sahar Saleem oo ka tirsan jaamacadda Qaahira, waxa uu muujiyay boqor aad u soo jiidasho leh.

Fircoon oo ilaahnimo sheegtay iyo in badan oo ka mid ah ciidamadiisa ayaa lagu halaagay badda cas farta gacanka aqaba ee u dhexeysa dalalka sacuudiga iyo Masar meel ku aadan halka loo yaqaano Nueiba ka dib markii Nebi Muuse iyo reer Bani Israel oo Fircoon uu daba joogay ay si nabad ah uga gudbeen gacankaas markii ALLE uu badda jid uga bixiyey, waxaana qisooyinka arrintaas la xiriira uu ALLE kaga waramay Quraanka kariimka iyo kutubtii samaawiga aheyd ee ka horeysay.

Meydka fircoon oo qalfoof ah ayaa waxaa uu yaallaa matxaf ku yaalla magaalada Qaahira inkastoo marar badan loo qaaday dalal ka tirsan Yurub si loogu sameeyo baaritaano sababay iney soo islaamaan qaar ka mid ah khubaradii reer galbeedka ee baaritaanka sameynayey markii ay xaqiijiyeen in fircoon uu ku dhintay biyaha badda, arrintaasoo uu quraanku Alle uga waramay 1400 oo sano ka hor.⇑

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here