Nuuc kamid ah cudurka Kansarka oo laga cabsi qabo in laga helo baasto aad loo isticmaalo

0
174

Nuuc kamid ah cudurka Kansarka oo laga cabsi qabo in laga helo baasto aad loo isticmaalo

Hay’adda ka hortagga cunnada iyo maandooriyaha ee Nigeria ee loo yaqaano [Nafdac] ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabo deg-deg ah si ay u baarto nooc caan ah oo baasto ah isla markaana la sheegay in ay ku jirto maado la xiriirta khatarta sii kordheysa ee kansarka.

Hay’addu wax ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay samaynayso falanqaynta baastada Indomie, oo ay ku jiraan xawaash, iyo waxyaabo udug badan oo loo yaqaano ethylene oxide.

Waxa ay sheegtay in ay baaritaanka ku fidineyso noocyada kale ee baastatada ee laga helo suuqayada Nigeria.

Hay’adda Nafdac ayaa sheegtay in baaritaanku uu daba socdo dib u soo celinta noocyada “dhadhanka digaaga ee gaarka ah” kaddib markii toddobaadkii hore Malaysia iyo Taiwan laga helay maaddada tijaabooyinka qaar.

Indofoods, oo ah shirkadda weyn ee cuntada Indonesia ee samaysa Indomie, ayaa si kastaba ha ahaatee tan iyo markaas waxay difaacday badbaadada alaabteeda.

Hay’adda Nigeria ayaa sheegtay in astaantan la sheegay in aysan ka diiwaan gashaneyn in lagu iibiyo dalka Nigeria, iyadoo xustay in maamulka dekedaha ay ka feejiganaadaan soo dejinta baastadaasi.

“Waxaan shacabka u xaqiijinaynaa in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono badeecadaha heer warshadeed iyo mid suuq, wixii ka soo baxana waa la soo gudbin doonaa,” ayay lagu yiri bayaanka hay’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here