Mucaaradka Kenya oo 2da May dib u billaabaya Dibadbax ka dhan ah Dowladda.

0
121

Mucaaradka Kenya oo 2da May dib u billaabaya Dibadbax ka dhan ah Dowladda.

Mucaaradka Kenya ayaa ku dhawaaqay in 2da May 2023 dib u billaabayo dibadbaxyada xooggan ee ka dhanka ah Dowladda Madaxweyne William Ruto sida uu sheegay Dennis Onyango oo ah Afhayeenka Raila Odinga.

Afhayeenku sharaxaad kama bixin sababta keentay in dibadbaxyada markale ay dib u iclaamiyaan maadaama uu socdo wadahadal sidoo kalena dhawaan Madaxweynaha Kenya William Ruto uu usoo jeediyay in fursad la siiyo wadahadalkaas.

Waxaa aad loo hadal hayaa in mucaaradku uu horay ugu baaqay dibadbaxyo xooggan haddii horumar laga sameyn waayo wadahadalka socda, go’aankaas ayaa dhaliyay shaki la xiriira in la isku fahmi waayay wadaxaajoodka.

“Dibadbaxyadu waxa ay dib u billaaban doonnaan 2da May waxaana ka billaabi doonnaa Magaalada Nairobi” ayuu yiri Dennis Onyango oo ah Afhayeenka Raila Odinda oo la hadlay Wakaaladda Wararka AFP.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in wadahadalka Dowladda Kenya iyo Mucaaradka la siiyo waqti ku filan oo ay labada dhinac isku fahmi karaan si meesha looga saaro dibadbaxyada rabshadaha & isku dhacyada wata.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa horay u sheegay in Raila Odinga uu rabo xil uu ku helo wadaxaajood si lamid ah Dowladihii ka horreeyay tan uu hoggaamiyo William Ruto balse aanay sidaas dhici doonin.

Hadalkaas ayaa sababay kacdoon saameyn taban ku reebay Amniga Kenya, Ajaanibta ku sugan Dalkaas waxaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan isku dhacyada & rabshadaha u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka iyo taageerayasha Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here