Maamulka Gobolka Banaadir Oo Xidhay ‘Goobo Lagu Iibiyo Laguna Isticmaalo Walxaha Maanka-Dooriya

0
210

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Xidhay ‘Goobo Lagu Iibiyo Laguna Isticmaalo Walxaha Maanka-Dooriya

Howlgal ka dhan ah Walxaha maanka-dooriya oo Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay ka sameeyeen Degmada Cabdicasiis gaar ahaan Xeebta Liido waxaa u suuragashay in ay albaabada isugu dhuftaan goobahaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo hoggaaminayay howlgalka waxaa wehliyay ku xigeenkiisa Amniga & Siyaasadda, Maamulka Degmada Cabdicasiis & saraakiisha Hay’adaha Amniga.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in albaabada la isugu dhufto goobaha lagu iibiyo laguna isticmaalo walxaha maanka-dooriya oo dhibaato ku ah Amniga & Degenaashiyaha waa sida uu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

“Laga billaabo caawa goobahaas & meelaha lamidka ah way xiran yihiin, sidoo kale meelaha kale ee ku yaalla Muqdisho ee Dadka lagu fasahaadinayo way xiran yihiin, wixii aan caawa ku aragnay Degmada Cabdicasiis wax la fiirsan karo oo la daawan karo ma ahan, qaarkood oo cabsan ayaa isku dayay in nala dagaalamaan illeen way cabsan yihiinee, waxaana ku wareejineynaa waalidkooda” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay qabaan amar buuxa oo ah in ay gacanta kusoo dhigaan si loogu wareejiyo ehelkooda, waxa uu shaaciyay in qaarkood ay hubeysnaayeen loona dhiibay Hay’adaha Baarista.

“Waxa aan aragnay qaarkood oo Bastoolado wata iyo kuwo qoryo watay oo albaabada u taagan, waan diiwaangelinay oo waan qornay maadaama hub lagu qabtay, ciddii furta goobaha lagu iibiyo laguna isticmaalo walxaha maanka-dooriya, waxaana horay u sheegnay in aan daraagiska ula dagaalameyno sidii Khawaariijta & ciyaal-weerada” Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa howlgallo baaris ah kawada degmooyinka Gobolka Banaadir, Dowladdu waxa ay sheegtay in ay xoogga saartay in ay gacan adag ku qabato Kooxaha dhaca geysta, Dhalinyarada loo yaqaan Ciyaal-weerada & kuwa dilalka geysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here