Dowladda Japan oo Muwaadiniinteeda ka daadgureyneysa Suudaan.

0
178
@ˆ¤’mŒ§‚̍q‹óŽ©‰q‘à¬–qŠî’n‚ŁA‚b‚P‚R‚O—A‘—‹@‚ɏæ‚荞‚ÞŽ©‰q‘àˆõ‚Q‚P“úŒßŒã

Dowladda Japan oo Muwaadiniinteeda ka daadgureyneysa Suudaan.

Waaxda Difaaca & Gaadiidka Japan ayaa ku dhawaaqday in ay billowday qorshe ay Jamhuuriyadda Suudaan uga daadgureyneyso Muwaadiniinta halkaas ka joogta si aanay waxyeello uga soo gaarin Dagaalka ka socda Dalkaas.

Labo diyaarad oo ah nooca qumaatiga u kaca oo uu adeegsado Militariga Dalkaas oo mid kamid ah kuwa xamuulka qalabka ciidanka ah qaada oo saaran Gawaari loogu talagalay in lagu soo gaartay goobta ay caga-dhiganayaan diyaaradahaas.

Diyaaradda labaad waa mid militari oo ilaaneysa diyaaradda lagu daadgureynayo Dadka si aanay waxyeello uga soo gaarin dagaalka ka socda Gudaha Magaalada Khartuum sida uu sheegay sarkaal katirsan Waaxda Difaaca Japan.

Nooca Diyaaradah waa C-2 iyo KC-767 waxaana adeegsada Militariga Japan, Dadka ay soo qaadaan waxa ay isugu geynayaan Jamhuuriyadda Jabuuti oo looga sii qaadi doonno Diyaarad nooceedu yahay C-130 oo gelinkii hore Sabtida maanta soo gaartay.

Ciidamada Gurmadka sameynaya ee Japan waxa ay markoodii horay Jabuuti ay u joogeen la socodka dhaqdhaqaaqa Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida iyaga oo heysta hub casri ah & diyaarado nooca qumaatiga u kaca oo ay la howlgalayaan doomo & Maraakiib nooca dheereeya.

Dowlado Badan ayaa ku dhawaaqay howlgalka Suudaan lagu gaarayo si Magaalada Khartuum ay uga soosaaraan Muwaadiniintooda isugu jirta Dadka danaha gaarka ah u tegay, Diblumaasiyiinta & shaqsiyaad kale.

Mareykanka ayaa diyaariyay Ciidamo jooga Jamhuuriyadda Jabuuti si ay usoo daadgureeyaan Muwaadiniinta Ameerikaanka ee Shaqada u joogta Magaalada Khartuum ee Caasimadda Suudaan iyo Dadka kale ee heysta Dhalashada Dalkaas.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada ay kala wataan Gen. Maxamed Xamdan Daqalo & Gen. Cabdifitaax al-Burhan ayaa waji kale u yeelay Xaaladda Jamhuuriyadda Suudaan oo markii horayba aanay caga-badan ku taagneen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here