Madaxweyneyaasha Kenya, Koofurta Suudaan & Jabuuti oo xal u raadinaya xaaladda qasan ee Suudaan.

0
169

Madaxweyneyaasha Kenya, Koofurta Suudaan & Jabuuti oo xal u raadinaya xaaladda qasan ee Suudaan.

Madaxweyneyaasha Dalalka Kenya, Koofurta Suudaan & Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay u safraan Suudaan si ay xal ugu raadiyaan dagaalka ka socda Magaalada Khartuum maalintii 3aad oo xiriir ah.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir Mayardit & Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa raadinaya xal la isugu soo dhaweyn karo dhinacyada hubeysan ee Suudaan ku dagaalamaya.

Saraakiil katirsan Kenya, Koofurta Suudaan & Jabuuti ayaa xaqiijiyay safarka saddexda Madaxweyne oo ah mid degdeg ah si aanay usii waqti dheeraan dagaalka u dhaxeeya ciidamada hubeysan ee Khartuum ku hardamaya.

Rabshadaha ka socda Jamhuuriyadda Suudaan waxaa ugu yaraan ku dhintay 97 ruux halka ay ku dhaawacmeen boqolaal ruux, waxaana intaas dheer cabsi xooggan oo ka dhalatay hubka culus ay isu adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

Kooxda Hubeysan ee RSF loosoo gaabiyo ayaa sheegatay in ay gacanta ku heyso meelo muhiim ah balse waxaa hadalkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Dowladda gacanta ka heysa Dalkaas ee Afgambiga ku qabsatay Oktoobar 2021.

Dalalka Masar & Jaad ayaa ku dhawaaqay in ay xirteen soohdinta ay la wadaagaan Jamhuuriyadda Suudaan si ay uga hortagaan dhibaatooyin kasoo gaara isku dhacyada ka socda Dalkaas iyo barakaca ka dhalan kara.

Urur Goboleedka IGAD ayaa xalay shir ku qabsoomay muuqaalka Fogaan-aragga waxa ay uga arrinsadaan xaaladda murugsan ee ka taagan Jamhuuriyadda Suudaan, madaxda shirkaas ka qaybgashay ayaa wadahadal ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here