Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka & Dalal kala duwan oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo Dagaalka Suudaan ka socda maalintii labaad.

0
186

Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka & Dalal kala duwan oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo Dagaalka Suudaan ka socda maalintii labaad.

Waxaa sii kordhay dhinacyada ku baaqaya in la joojiyo dagaalka ka socda Magaalada Khartuum Caasimadda Suudaan ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & Kooxda la magac-baxday Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee Suudaan ee loosoo gaabiyo RSF.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda Murugsan ee ka taagan Magaalada Khartuum ee Suudaan, waxa uu dhinacyada is haya ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka ka dhaxeeya.

Moussa Faki Mahamat oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika ayaa dhinacyada gacan qaadka dhexmaraya xusuusiyay in aysan marnaba ka tallaabin xeendaabka Nabadgalyada kana wadahadlaan waxa ka dhaxeeya.

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr Workneh Gebeyehu ayaa dhinacyada hubeysan ee Suudaan ku hardamaya usoo jeediyay in ay ilaaliyaan xasiloonida kana wadahadlaan dhammaan waxyaabaha ay isku hayaan.

Waxaa qasan xaaladda Magaalada Khartuum, Militariga Afgambiga ku qabsaday October 2021 ayaa Shacabka ugu baaqay in aanay kasoo bixin guryahooda illaa inta ay kasoo gabagabeynayaan howlgallada ka dhanka ah kooxda RSF.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku baaqay in lasoo afjaro dagaallada ka socda Magaalada Khartuum ee xarunta Jamhuuriyadda Suudaan, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga baaqsado burbur & dagaal sokeeye.

Dhinacyada isku haya Magaalada Khartuum ayaa guullo kala sheeganaya, Ciidamada Dowladda ayaa baahiyay muuqaallo ay kasoo dhex muuqdeen Rag ku labisan Dharka Ciidanka oo ay ku qabteen dagaalka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here