Guri Uu Muqdisho Ka Deganaa Taliye Ciidan Oo La Qarxiyey Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
219

Guri Uu Muqdisho Ka Deganaa Taliye Ciidan Oo La Qarxiyey Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo miino oo saaka oo Axad ah ka dhacay Guri uu degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho uu ka deganaa Taliyaha ciidamada Nabadsugida degmadaas Cabdiraxman Cali Waqooyi (Seedi Xume).

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa lagu qarxiyey guriga Taliya oo ku yaalla xaafada Saban Saban ee degmada Deyniile, waxaana jugta qaraxyada laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan degmadaas iyo xaafadaha degmooyinka ku dhow Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxyada ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen Taliyaha Nabadsugida Deyniile Cabdiraxman Cali Waqooyi (Seedi Xume) iyo taliyihii hore ee NISA Deyniile Hon Cumar Cabdi Fidow iyo askari ilaalo u ahaa.

Sidoo kale firirka qaraxyada ayaa waxaa la tilmaamay in waxyeelo kasoo gaareen dad kale oo shacab ah oo ka ag dhawaa guriga Taliyaasha ee saakay qaraxyada lagu weeraray, kuwaasi oo la geeyay xarun caafimaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here