QM oo $55 Milyan ku iibsatay Marka FSO Safer ee ku xayiran Xeebaha Yemen.

0
219

QM oo $55 Milyan ku iibsatay Marka FSO Safer ee ku xayiran Xeebaha Yemen.

Xiriiriyaha howlaha bani aadamnimo ee Qaramada Midoobay Dalka Yemen David Gressly ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay iibsatay Markabka FSO Safer oo ku xayiran xeebaha Dalkaas waxaana saaran shidaal badan.

Halista ka dhalan karta awgeed ayay Qaramada Midoobay u iibsatay Markabkaan oo dusha kuwada Shidaal haddii uu daato halis badan gelin kara biyaha Caalamiga ah iyo xeebaha waddamo ay kamid yihiin Yemen & Soomaaliya.

Khubaro si dhow ula socday arrinta markabka ayaa sheegay in haddii shidaalka saaran uu daato nadiifinta goobaha uu gaaray ay ku kaceyso adduun lacageed kor u dhaafaya $20 Bilyan oo dollar balse haddii kahortag la sameeyo lacag intaas ka yar ku baxeyso.

David Gressly oo ah Xiriiriyaha howlaha Gargaarka bani aadamnimo Qaramada Midoobay ee Yemen ayaa sheegay in tallaabada ay ku iibsadeen Markabkaan ay tahay kahortagga saameynta taban ee ka dhalan karta haddii la daawado.

“Waa Tallaabada ugu muhiimsan ee lagu xalin karo cabsida laga qabo Markabka FSO Safar in ay iibsato Qaramada Midoobay, tan iyo 2015kii Markabkaan ma helin dayactir oo waxa uu shaqeynayay 47 sano, dabcan lacagta lagu iibiyay waxaa ka halis badan saameynta ka dhalan karta mustaqbalka haddii indhaha laga daawado” David Gressly.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in howsha lagu dejinayo Shidaalka Markabka saaran ay billaaban doonto horaanta May 2023, waxa ay tilmaamtay in si feejigan loo qaadi doonno tallaabooyinka lagu dejinayo shidaalkaas.

Sarkaal katirsan Dowladda Yemen ayaa arrinta Markabka ku tilmaamay bam meel yaalla oo digniin bixiyay isla markaana waqti weliba qarxi kara, waxa uu bogaadiyay dedaalka Qaramada Midoobay isaga oo si gaar ah u codsaday in la dadejiyo howlgalka lagu dejinayo shidaalka si cabsida ay uga degto heerka ay joogto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here