Booliiska Talyaaniga oo xiray Dad lagu tuhmay in ay mas’uul ka yihiin Doon ku degtay Koofurta Dalkaas.
Booliiska Talyaaniga ayaa xiray 4 qof oo saddex kamid ah uu shaaciyay dhalashooda kuwaas oo kasoo kala jeeda: 1 qof oo u dhashay Turkiga, Labo ruux oo kasoo jeeda Pakistan halka qofka 4aad aanay shaacin halka uu kasoo jeedo.
Sarkaal katirsan Booliiska Talyaaniga ayaa sheegay in Ciidamadu ay qabteen eedeysanayaasha oo ku dhuumanaya meel aan sidaas uga fogeyn halka ay ku degtay Doonta, waaxda ku shaqada leh baarista kiisaska ayaa loo gacan-geliyay.
Booliisku masoo bandhigin caddeymo muujinaya in eedeysanayaashu ay ka dambeeyey kiiska loo heysto balse waxa uu bidhaamiyay in la hayo raad laga dhabba qaadi karo dabagalka lagu wado waa sida hadalka loo dhigay.
Doonta ku degtay Koofurta Talyaaniga waxaa ku dhintay 65 qof oo ay ku jiraan Carruur, Dhalashada Dadkaas oo si dulmar ah loo shaaciyay waxa ay kasoo kala jeedaan Dalalka Somalia, Afghanistan, Bangladesh, Masar (Egypt), Libya & Dalal kale.
Waxaa soo dhammaaday howlgalka lagu baadi-goobayay Dadka la waayay oo lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo qaarkood halka qaar kale la helay iyaga oo dhintay, goobaha Caafimaadka waxaa la geeyay tahriibayaasha lasoo badbaadiyay.