Iran:- 650 Gabdhood Oo Loo Sumeeyay Si Aanay Dugsiga Iyo Waxbarasho U Helin

0
191

Iran:- 650 Gabdhood Oo Loo Sumeeyay Si Aanay Dugsiga Iyo Waxbarasho U Helin

Daraasad ay BBC-du samaysay ayaa daaha ka qaadday in ugu yaraan 650 gabdhood lagu sumeeyay Iran. Sarkaal sare oo Irani ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gabdhahan si gaar ah loo beegsaday.

Wax ku dhintay sumeynta ma jiro, balse tobanaan ka mid ah gabdhahaas ayaa isbitaal la dhigay iyaga oo sheeganaya cabashooyin ay ka mid yihiin dhibaatooyin xagga neefsashada ah, dawakhaad iyo daal.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Iran Yunus Panahi, oo shir jaraa’id qabtay 26-kii Febraayo, ayaa yiri, “Waxay u muuqataa in dadka qaar ay rabaan in la xiro dhammaan dugsiyada, gaar ahaan dugsiyada gabdhaha.”

Gabdho la sumeeyay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sheegya in ay usoo urayeen waxyaabo sida lint iyo kalluun qudhmay oo kale ah.
“waxyaabaha loo adeegsaday sumeynta waxay ka kooban yihiin kuwo dukaamada laga heli karo,” ayuu yiri Dr. Panahi wuxuu intaas ku daray in suntani aysan ahayn halis saas u weyn loona baahneyn inay keento argagax.

Panahi ayaa markii dambe sheegay in hadaladiisa si qaldan loo fahmay. Habkan ayaa ah mid inta badan ay adeegsadaan mas’uuliyiintu marka aysan jirin bartilmaameed ay ku eedaynayaan oo aysan garaneyn sida loo demiyo cadhada shacabka.

Magaalada Qom ee muxaafidka ah ayaa lagu arkay kiisaska ugu badan.

Balse gabdho iskuuley ah ayaa lagu sumeeyay siddeed magaalo oo kale oo dalka ah, Dareen-celinta dadweynaha ayaana sii kordheysa.
Sumeyntii ugu horreysay ayaa la arkay 30kii Noofembar 2022, markaasoo 18 arday oo wax ka baranayay dugsiga sare ee farsamada Nuur ee magaalada Qom la dhigay isbitaal.

Tan iyo markaas, in ka badan 10 dugsiyo gabdho ah ayaa lagu bartilmaameedsaday gobolka.

Badhtamihii bishii hore ee Febraayo waxa la soo agaasimay mudaaharaad ka dhacay afaafka hore ee xafiiska gudoomiyaha gobolka ee magaalada Qom kaas oo ay ka soo qayb galeen ugu yaraan 100 qof.

Mid ka mid ah muuqaallada lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa ah aabbe leh, “Waxaad mas’uul ka tahay inaad hubiso badbaadada carruurtayda! Waxaan leeyahay laba gabdhood Waxa kaliya ee aan samayn karo waa in aanan dugsiga u dirin”.

haweenay ka qayb qaadanaysay isla mudaharaadkan ayaa tidhi “Kani waa dagaal! Waxay rabaan inay nagu qasbaan inaan guriga joogno iyagoo tan ku sameynaya dugsiga sare ee gabdhaha ee Qom. Ma rabaan in habluhu guryahooda ka baxaan!” ayay tiri.

Waalidiinta qaarkood waxay yiraahdeen soo kabashada ilmahooda ee suntay inay qaadatay todobaadyo.

Muuqaal kale, haweeney la joogta gabadheeda oo jiifa sariirta isbitaalka ayaa tiri, “Hooyooyin qaaliga ahow. Waxaan ahay hooyo, ilmahayguna waxay jiiftaa sariirta isbitaalka. Xubnaheedii way daciifeen. Cidiyaha ayaan qodaa, mana dareemayso. Fadlan carruurtaada ha u dirin dugsiga,” ayay tidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here