Labo nin oo geestay Dilal aad looga naxay oo saakay lagu toogtay Muqdisho
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda, kuwaa oo hal maalin siyaabo kala duwan Muqdisho iyo Balcad dilal ugu geestay labo qof oo shacab ahaa.
Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) & Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif ayaa saakay laga oofiyay Xadkii Qasaasta ahaa, waxaana lagu toogtay fagaaraha Iskool Buluusiya ee Muqdisho.
Labadan askari ee xukunka dikka ah saakay lagu fuliyay ayaa lacag baad ah oo lagu sheegay min shan kun u dilay labo qof oo kala ahaa ganacsade miis ku lahaa Suuqa Xamar Weyne iyo nin Bajaajle ahaa oo kunoolaa Balcad.
Dilalka ay geesteen labadan askari oo dhacay 10-kii bishii Janaayo ee sannadkan ayaa dhaliyay carro aad u xooggan, waxa labadan askari durba xukun degdeg ah oo dil ahaa ku riday maxkamadda ciidamada .
Xabsiga dhaxe ee magaalada Muqdosho waxaa ku xiran gacan kudhiiglayaal badan oo dil u geestay dad shacab ah iyo askar katirsan ciidanka dowladda, kuwaa oo horey loogu riday xukun dil ah, balse sugaya in lagu fuliyo xadka qisaasta dilalkii ay geesteen.