Elon Musk oo sabab yaab leh shaqada kaga eryey nin ka tirsanaa shaqaalaha Twitterka
Elon Musk, oo ah ninka sanadkii hore iibsaday Twitter-ka ayaa mid ka mid ah injineerada Twitter-ka ka eryey shaqada ka dib markii uu runta u sheegay.
Musk ayaa isugu yeeray la taliyaasha shirkadda iyo injineerada, isagoo ka cabanaya in dadka ku xiran bartiisu badan yihiin, balse dad koobani ka falceliyaan waxyaabuhuu soo qoro “tweets”.
“Waxa igu xiran wax ka badan 100 milyan oo followers ah, haddana waxaan helaa kaliya tobanaan kun oo falcelinood, sababta maxay noqon kartaa” ayuu Mr. Elon Musk yiri.
Injineer ka tirsan shirkadda oo jawaabta aan meel fog ka raadin ayaa si sahlan u yiri: “Waxaan laga helin qormooyinkaaga, ee sabab kale ma jirto”.
Elon Musk oo ka carooday jawaabta ninkaas ka tirsana shaqaalihiisa ayaa sidaas shaqada kaga eryey taasoo la yaab ku noqotay shaqaalihii kale ee shirkadda.