Muxuu la xiriiraa socdaalka Madaxweynaha Iiraan ee Shiinaha?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan Ebrahim Raisi ayaa safar ku tegay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha waxaana uu la kulmay dhiggiisa Xi Jinping si ay uga wada hadlaan kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya labada Dal.
Hoggaamiyaha Iiraan oo socodkiisu yar yahay ayaa safarkaan uga dhigay in labada Dowlad ay xoojinayaan cilaaqaadka ka dhaxeeya maadaama hal cadaw oo Mareykanka ah ay wadaagaan si ay cududooda u mideeyaan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Hua Chunying ayaa sheegtay in madaxda labada dal ay xoogga saareen sidii ay u fulin lahaayeen ballamo siyaasadeed oo ka dhaxeeyay.
Shiinaha waa Dalka ugu badan ee Iiraan ka iibsado shidaalka, arrintaan waa mid kamid ah tallaabooyinka ay Xukuumadda Tehran u dooratay in dhiggeeda Beijing la wadaagto xiriir iskaashi oo dhinac weliba ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in cilaaqaadka Iiraan uu muujinayo sida ugu habboon ee Beijing u aamini karto Dal leh dhaqaale, awood uu shidaal uu kusoo saari karo & in uu dardargelin karo iska caabbinta culeyska Mareykanka.