RW Talyaaniga oo Liibiya kala hadashay xakameynta qulqulka tahriibayaasha.

0
205

RW Talyaaniga oo Liibiya kala hadashay xakameynta qulqulka tahriibayaasha.

Dowladda Talyaaniga ee dhexda ka jiifta dhibaatada dhaqaale xumo ayaa dhiggeeda Liibiya kala hadashay sida loo xakameyn karo qulqulka Qaxootiga tahriibka ku gala Dalkaas ee ka gudba badda weynta Mediterranean-ka.

Talyaaniga iyo Liibiya oo kala saxiixday heshiis shidaal oo ku kacaya $8 Bilyan oo Doollar ayaa dhanka kale si hoose uga wada hadlay sidii Roma & Tripoli ay isaga kaashan lahaayeen xakameynta qulqulka tahriibayaasha.

Xukuumadda Roma ayaa dedaal xooggan gelisay sidii ay toos ula tacaamuli lahayd waddamada ay ka gudbaan tahriibayaasha ee Qaaradda Afrika, Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ah Dalkaas Giorgia Meloni ayaa sheegtay in xalka keliya uu yahay iskaashi dhexmara waddamada ay kasoo gudbaan.

Sarkaal katirsan Dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in safarka Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas ee Waqooyiga Qaaradda Afrika uu rejo wanaagsan muujinaya marka la eego qorshaha lagu xakameynayo tahriibayaasha.

Dhowaan, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Talyaaniga ayaa tagay Jamhuuriyadda Carabta Masar oo uu kala xaajooday sidii Xukuumadda Qaahira gacan uga geysan lahayd dedaalka lagu joojinayo tahriibayaasha halista nafeed ku galaya biyaha u dhaxeeya Talyaaniga waddamo Masar kamid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here