Faah Faahin Kasoo Baxeysa Qarax Lagu Dilay Injineero Oo Ka Dhacay Gudaha Kenya

0
243

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Qarax Lagu Dilay Injineero Oo Ka Dhacay Gudaha Kenya

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay wateen Injineero ku howlanaa kormeerka wadada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana qaraxaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa kolonyada gaadiidka ah uu ku qabsaday deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo sheegay inay maqleen jugta qarax xooggan.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka tirro dad kalena ah ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxaas ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari, waxaana dadka waxyeelada gaartay durbadiia loo cararay Isbitaal, si loogu daaweeyo.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa ku warrantay in dadka dhintay ay saddex kamid yihiin Injineerada ku howlanaa dhismaha wadada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, taasi oo marta magaalooyin ay kamid tahay Gaarisa.

Taliyaha Booliska Waqooyi Bari George Seda ayaa tagay halka weerarka uu ka dhacay, isagoo sheegay iney baxsadeen dableyda weerarkan geysatay, balse ay ku daba jiraan laamaha amaanka.

Si kastaba, Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac la eegtay shaqaale dhismo ka waday waddooyin ku yaalla gudaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here