Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Farabadan Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Afghanistan
Qof ayaa isku qarxiyey meel ku dhow dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee magaalada Kabul ee Caasimadda Afghanistan.
Wararka hordhaca ayaa sheegayo in ugu yaraan 20 qof ku geeriyootay Is-qarxintaasi.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Daalibaan oo lagu magacaabo Ustaad Fareedun ayaa sheegay inuu Qofka Is-qarxiyey uu qorsheynayey inuu gudaha u galo dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda, balse uu ku hungoobay.
“Labaatan qof ayaa ku geeriyootay Qaraxaasi, halka ay tiro kalena ku dhaawacmeen” ayuu yiri Sarkaalkaasi.
Dhanka kale, Afhayeenka Booliska magaalada Kabul, Khaalis Zadran ayaa waxa uu sheegay inuu Qaraxa dhacay Afartii galabnimo ee shalay, balse, ma uusan bixinin Tirada dadka ay soo gaartay waxyeelada.
Sarkaal kale oo ka tirsan Xafiiska RW Afghanistan oo lagu magacaabo Axmadullaahi Mutaqi ayaa sheegay inaysan wax dad Shisheeye ah joojin Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda, xilligii uu Qarax dhacayey.
Deegaanka uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla dhismooyin Diploomasiyadeed, gaar ahaan Safaarada Turkiye iyo China ku leeyihiin magaalladda Kabul.