Maxaa Ka Jira In Ilhaan Cumar Loo Diiday In Ay Boosaaso Tagto?

0
162

Maxaa Ka Jira In Ilhaan Cumar Loo Diiday In Ay Boosaaso Tagto?

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay safar ay dhawaan ku tegtay deegaanada Puntland.

Ilhaan ayaa intii ay halkaa joogtay, waxay la kulantay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Deni, odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo ay kala hadashay arrimo kala duwan.

“Waxaan u imid in Puntland soo booqdo wakhti badan baa iigu danbaysay, in qoyskaygii aan soo booqdo, meelaha xaal u marayana aan waraysto.” Ayay Ilhaan BBC-da u sheegtay.

Ilhaan ayaa intii ay ku gudo jirtey safarkeeda waxa ay la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, wasiirrada, xildhibaannada iyo odoyaasha dhaqankaba qaar ka mid ah.

Marka hore waxaan weydiiyay waxa uu booqashadeeda daarnaa.

Dhawaan ayay ahayd markii ay gaadhay magaalada Garoowe. Waxayna ahayd markii labaad ee ay halkaas tagto tan iyo markii ay gashay siyaasadda maraykanka, gaar ahaan ay ku biirtay Koongareeska.

Ilhaan waxay hore u soo martay magaalada Nairobi oo ay kula kulantay qaar ka mid ah Soomaalida halkaa ku nool.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa been-abuur ku tilmaantay war la faafiyey oo ahaa in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd Boosaaso.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waraysiga gaarka ah ee ay siisay BBC-da ku sheegtay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka ku saabsan in laga hor istaagay Boosaaso.

“Warkaas waxbo kama jiro, waan xiisaynayay in aan Boosaaso tago se wakhtigaa aad iigu yaraaday, waanan rajeynayaa in marka danbe ee aan soo laabto aan Boosaaso gaadho” ayay BBC-da u sheegtay Ilhan oo ku sii jeeday Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here