Dowladda Oo Madaxda Liibiya Kala Hadashay Dib U Soo Celinta Muhaajiriinta Soomaalida

0
161

Dowladda Oo Madaxda Liibiya Kala Hadashay Dib U Soo Celinta Muhaajiriinta Soomaalida

Ku-xigeenka Ra’Iisul Wasaaraha dowladda Midnimada Qaran ee Liibiya Xuseen Al-Gotrani ayaa kala xaajooday Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac sidii Muhaajiriinta Soomaalida dib loogu celin lahaa dalkooda.

Hadal Qoraal ka soo baxay dowladda Midnimada Qaran ee Liibiya ayaa lagu sheegay inay labada Mas’uul ka wada xaajoodeen xiriirada labada waddan iyo qaabka farsamo ee muhiimka u ah sidii Dowladda Liibiya Taageero uga geysan karaan Tasiilaadka iyo Hab-raacyada in Muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee ku sugan dalka Libya loogu masaafurin lahaa dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Dhinaca kale, Al-Gotrani iyo Wasiir Daa’uud ayaa waxay kulankooda kaga xaajoodeen Tallaabooyinka Hab-raacyada muhiimka u ah sidii Xoghaynta Guud ee Ururka Saaxil iyo Saxaraha (Sahel-Saharan States SIN-SAD) ee ay ku bahoobeen qaar ka mid ah dalal ku yaalla Africa loogu soo celin lahaa Caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Daud Aweis Jama ayaa magaalada Tripoli ee dalka Liibiya uga qeyb galay Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalkaas.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay kaga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Al Shabab. Wasiirka ayaa u sheegay Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta in Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud muhimaddiisa koowaad ay tahay in laga saaro Al-shabaab dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here