Diblomaasi Maraykan Ah Oo Ku Baaqay In Xal Nabadeed Lagu Soo Afjaro Dagaalka Ukraine
Diblomaasiga Maraykanka ah ee ruug caddaaga ah ee Henry Kissinger ayaa sheegtay in ay soo dhowaatay xilligii la geli lahaa wadahadalo nabadeed oo lagu soo afjaro xiisadda ka taagan dalka Ukraine, si hoos loogu dhigo halista inuu qarxo dagaal kale oo caalami ah.
Hase ahaatee xukuumadda Kyiv ayaa ku gacan saydhay faallada uu bixiyey diblomaasigan Maraykanka ahi, iyaga oo ku tilmaamay intay tahay mid lagu raali gelinayo cidda gardarada wadda, iyaga oo sheegay inaanu jirin heshiis lagu wareejinayo dhulkooda.
Kissinger oo haatan da’diidu ay tahay 99 sano ayaa ka mid ahaa raggii wax ka naqshadeeyey siyaasaddii Maraykanka ee xilligii dagaalka qaboobaa u uku waayahayey Midawgii Soofiyeeti, isaga oo xilligaas ahaa xoghayihii arrimaha debedda ee Madaxweynayaashii Richard Nixon iyo Gerald Ford.
Kissinger ayaa dhawrjeer la kulmay Vladimir Putin, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Ruushka sannadkii 2000.