Home WARAR Kulankii Wada-Jirka Ahaa Ee Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Baaqday Kadib Weerarkii...

Kulankii Wada-Jirka Ahaa Ee Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Baaqday Kadib Weerarkii Hoteel Villa Rosa

0
430

Kulankii Wada-Jirka Ahaa Ee Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Baaqday Kadib Weerarkii Hoteel Villa Rosa

Waxaa Maanta baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo loo madalsanaa maanta.

Fariin lo dirtay Xildhibaanada ayaa loogu sheegay in gabi ahaanba uu baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole, waxaana fariinta la raaciyay in dib laga soo sheegi doono xiliga la qabanayo fadhiga xiga.

โ€œDhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xigaโ€ ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka.

Baaqashada kulanka ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay kadib weerarkii dagaalamaayasha AL-Shabaab ay ku qaadeen hotel u dhaw maadxtooyada kaasi oo ilaa iyo haatan aan la shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here