App-ka Whatsapp-ka oo dib u shaqo bilaabay kaddib saacado uu hawada ka maqnaa.

0
272

App-ka Whatsapp-ka oo dib u shaqo bilaabay kaddib saacado uu hawada ka maqnaa.

Waxaa hawada ka maqanaa barta WhatsApp-ka oo ay dad badan si weyn u adeegsadaan, waxa ay arrintan saameysay dad isticmaala WhatsApp guud ahaan caalamka.

Shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa saaka shaacisay ciladdan, Dad badan ayaa baraha bulshada ku baahinayay cabasho ku aadan in farriimaha WhatsApp-ka aan la isugu diri karin ama wax farriin ah uusan qofka heleynin.

App-kaan lagu magacaabao WhatsApp, ayaa waxaa isticmaalaa ku dhawaad 2 bilyan oo qof guud ahaan caalamka, kuwaas oo si maalin laha isugu dira fariimaha iyo wicitaannada, iyaga oo qaar kood iskula xariiraan dadka shaqo wadaaga ah.

Ciladdaan aya sidaan oo kale waxa ay ku dhacday dhammaan Apps-ka Shirkadda Meta kuwaas oo kala ah Facebook, Messenger, Instagram iyo WhatsApp-ka, Shirkadda ayaa sheegtay in ciladdu ay ahayd mid aan si ula kac aheyn oo ka dhalatay dayactir lagu sameynayay adeegyada ay bixiso balse wax faahfaahin oo intaas dhaafsiisan kama aysan bixin xilligaas.

Dadka isticmaala Facebook ayaa gaarayaan in ka badan 2.3 bilyan oo qof halka Instagram-ka ay adeegsadaan 1 bilyan oo qof guud ahaan Caalamka, walo WhatsApp-ka oo dhawaan uu noqday App-ka loogu isticmaal badan yahay baraha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here