Dalka Britain oo maanta yeelanaya Ra’iisul Wasaarihii 3aad sanad gudihiis.
Dowladda Ingiriiska ayaa madaxa la gashay jahwareer siyaasadeed oo salkiisu yahay hoggaamiyaha Xukuumadda kaddib markii muddo sanad ah ay isku casileen labo Ra’iisul Wasaare, maanta waxa uu dalkaas yeelanayaa Ra’iisul Wasaarihii 3aad sanad gudihiis.
Qabashada Xilka Ra’iisul Wasaaraha UK waxaa u tartamaya Wasiirkii hore ee Maaliyadda Rishi Sunak & Guddoomiyaha Aqalka Hoose Penny Mardaunt, labada musharrax midkood ayaa xafiiska hoggaamin doonna maanta.
Sababta keentay in Dowladda Ingiriiska ay ku jahwareerto saldhigidda Madaxa Xukuumadda Dalkaas waa dhaqaalaha oo hoos u dhacay, Britain oo isaga baxday Midowga Yurub, xaaladaha qaaradda ka taagan & muranka Xilka talada haya gudihiis oo dheeraaday.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka fakireysa hoggaamiye dalkaas ku jiheyn kara mustaqbal barwaaqo sooran ah, la dagaalami karo Musuqa, dhammeystiri kara qorshaha kala guurka ee Britain & Midowga Yurub iyo xaaladaha kale ee u baahan wax ka qabashada.
Rishi Sunak oo ah 42 jir waxa uu Southampton General Hospital, waa xubin katirsan Xisbiga Conservative-ka, 2015kii ayuu noqday Xildhibaan, damaciisa siyaasadeed ayaa ah in uu buuxiyo booska ay ka tagtay Liz Truss.
Penny Mordaunt, waa 49 jir, guddoomiyaha Aqalka Hoose waxa ay rabtaa in ay gasho liiska Haweenka Ra’iisul Wasaaraha ka noqday Ingiriiska iyada oo kaashaneysa waaya-aragnimada siyaasadeed ee ay ka dhaxashay lasoo shaqeynta madax ka horreysay.