Dagaal Beeleed Toddobaadkan Ka Dhacay Sudan Oo Ay Ku Dhinteen 150 Qof

0
303

Dagaal Beeleed Toddobaadkan Ka Dhacay Sudan Oo Ay Ku Dhinteen 150 Qof

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa sheegay in in ka badan 150 qof in lagu dilay toddobaadkan dagaallo beeleed oo ka dhashay muran la xidhiidha dhinaca dhulka.

Guddoomiyaha gobolka Blue Nile Axmed al-Omda Badi ayaa ku dhawaaqay in deegaanka Wed al-Mahi lagu soo rogay Bandow habeenkii ah, ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaal beeleedka u dhexeeya qabiilada Hausa iyo Berti.


HomeWarar
Dagaal Beeleed Toddobaadkan Ka Dhacay Sudan Oo Ay Ku Dhinteen 150 Qof
On Oct 24, 2022

Share
Goobjoogayaal ku sugan gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa sheegay in in ka badan 150 qof in lagu dilay toddobaadkan dagaallo beeleed oo ka dhashay muran la xidhiidha dhinaca dhulka.

Guddoomiyaha gobolka Blue Nile Axmed al-Omda Badi ayaa ku dhawaaqay in deegaanka Wed al-Mahi lagu soo rogay Bandow habeenkii ah, ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaal beeleedka u dhexeeya qabiilada Hausa iyo Berti.

RELATED POSTS
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 23/10/2022

Oct 23, 2022
Madaxweyne Axmed Madoobe Oo War Kasoo Saaray Weerarkii Maanta Ka Dhacay Kismaayo

Oct 23, 2022
Jubbaland Oo Shaacisay Khasaaro Badan Oo Ka Dhashay Weerarkii Al-Shabaab Ee Kismaayo

Oct 23, 2022
Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahi, iska horimaadadan oo toddobaadkan inna dhaafay ayay ku dhinteen in ka badan 150 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, iyada oo ay ku barakaceen kumanaan qof oo kale.

Abdulatti Ahmed oo ka mida dadka ku nool magaalada al-Damazine oo la hadlay VOA Jimcihii ayaa sheegay in dagaalku uu xilligaas socday maalintii saddexaad, isagoo ka warbixiyey inay jiraan qoysas badan oo ku barakacay oo isugu jira haween iyo caruur.

Abdulatti ayaa sheegay, in wararka ka imanaya deegaanka Wed Al Maaxi inay tilmaamayaan in guryo la gubay, hantidana la kala dhacayo, wuxuuna xaaladda ku tilmaamay inay tahay mid aad looga naxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here