Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dilal Loogu Geystay Koonfur Afrika
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalka Koonfur Afrika dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada dalkaas ku leh goobaha Ganacsi ee ka shaqeysata, sida ay soo warrinayaan dad Soomaali ah.
Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa deegaanka Zwide township ee duleeedka Magalada Gqeberh Port Elizabeth ku dilay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Najiib, kaasi oo gaari ku wareejin jiray Rooti, waxaana xiligii la dilayey uu watay gaarigiisa.
Sidoo kale habeen hore Muwaadin Soomaaliyeed kale ayaa lagu dilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaalla xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehaladiisa.
Muwaadin kale oo isna lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Xasan Ever ayaa waxaa 13-kii bishaan Octoober lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng.
Dhacdooyinka la xiriira dilalka soomaalida loogu geeysto dukaamaha ayaa sara usii kacaya dalka Koonfur Afrika, xili inta badan ay dilalka ka dhacaan deegaano iyo tuulooyinka ay ku badanyihiin falalka dambiyada, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada dilalkaas loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.