Shirka Madasha Tana Oo Maanta Furmay Iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Qeyb Galaya
Magaalada Bahirdar ee dalka Itoobiya ayaa waxaa Maanta oo sabti ah ka furmay shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika, waxaana shirka ka qeyb galaya Madaxweyneyaal ka socda dalalka Afrika iyo mas’uuliyiin kale.
Shirka Madasha Tana ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo ay kamid yihiin Amniga Qaaradda Afrika iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Gobolka, iyadoona Madaxda ka qeyb galeysa shirka ay jeedin doonaan khudbado.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Shirka, isagoona jeedin doona khudbad uu uga hadlayo caqabadaha heysta qaaradda Afrika iyo sida loo maareeyn karo.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Bahirdar ee dalka Itoobiya kulamo la qaadan doona Madaxda halkaas ku sugan oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madax kale.