Madaxweyne William Ruto Oo Safarkiisii Ugu Horreeyay Ku Tegaya Dal Ku Yaalla Yurub

0
268

Madaxweyne William Ruto Oo Safarkiisii Ugu Horreeyay Ku Tegaya Dal Ku Yaalla Yurub

Madaxweynaha dalka Kenya, William Kipchirchir Samoei Arab Ruto ayaa waxa uu maanta Safarkiisii u horeeyey ku tegi doonaa dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.

Booqashada ayaa timid isbuuc kadib, markii loo dhaariyey Xilka Madaweynaha ee dalka Kenya.

Waxa uu lugtiisa Koowaad ku tegi doonaa caasimada dalka UK ee London, halkaasi oo uu berrito kaga qeyb geli doono Aaska Qaran ee loo samaynayo Boqoradii geeriyootay ee dalkaasi, Queen Elizabeth II.

Ilaa 500 oo Wafuud Caalami ah ayaa ka qeyb geli doona aaskaasi, iyadoo Boqorka cusub ee dalka UK, King Charles III qaabili doono Madaxda Shisheeyaha ee ka qeyb galayo Aaska Queen Elizabeth Ii.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Kenya waxa uu Safar kiisa 2aad ku tegi doona dalka Maraykanka, isagoo dhigiisa dalkaasi, Joe Biden kula kulmi doona Xarunta Aqalka Cad ee magaalladda Washington.

Sidoo kale, waxa uu ka qeyb geli doonaa Shirweynaha 77-aad ee Golaha Guud ee QM (The 77th United Nations General Assembly (UNGA) oo ka furmi doona Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.

W/Q: Ustaad Nuuradiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here