Nigeria oo bil gudaheed hoos uga dhacday booska 4aad ee Waddamada Afrika oo dhoofiya Shidaalka.

0
291

Nigeria oo bil gudaheed hoos uga dhacday booska 4aad ee Waddamada Afrika oo dhoofiya Shidaalka.

Nigeria ayaa bil gudaheed hoos uga dhacday kaalinta 4aad ee waddamada Qaaradda Afrika ee dhoofiya Shidaalka ay ka faaiideystaan Dalalka Caalamka sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Ururka ku bahoobay soosaarka Shidaalka ee OPEC.

Sababta hoos u dhaca ku keentay Nigeria waa hoos u dhac weyn oo ku yimid shidaalka dalkaas uu soosaari jiray sida xatooyo lagu sameeyay dhuumaha qaar & dhibaatooyinka amni darro ee ka jira dalkaas.

Nigeria waxa ay soosaari jirtay maalin weliba 100,000 (Boqol kun) oo fuusto oo shidaal ah, balse waxa ay muddooyinkii dambe soosaareysay ugu badnaan 980,000 (Sagaal boqol & siddeetan kun) oo fuusto.

Arrintaan waxa ay hoos u dhigtay diiwaankii Nigeria ay ku jirtay 70kii sano u dambeeyay, waxaa boosaska hore qiimeyntaan kasoo galay Waddamada Angola, Algeria & Libya oo horumar ka sameeyay soosaarka shidaalka.

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in maalin weliba la xado barmiilo Shidaal ah oo kooxaha sida sharci darrada ah uga faaiideysta ay dalooliyaan dhuumaha qaada si ay halkaas uga sii dhuuqaan una iib geystaan meelo aysan sheegin Dowladdu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here