Ruushka oo nabadgalyo & Xasilooni ugu baaqay Armenia & Azerbaijan.

0
332

Ruushka oo nabadgalyo & Xasilooni ugu baaqay Armenia & Azerbaijan.

Dowladda Ruushka ayaa Waddamada Armenia & Azerbaijan ugu baaqday in shuruud la’aan ku joojiyaan xiisadda colaad ee labada dhinac dib uga soo dhex cusboonaatay kaddib markii ay ku dagaalameen ciidanka labada dal soohdinta ay wadaagaan waxaana ka dhashay dhimashada in ka badan 100 ruux & dhaawaca tiro kale.

Ruushka ayaa sheegay in waddamadaan mar kamidka ahaa Midowgii (Soviet) in xalka keliya u furan uu yahay uu yahay in ay ka fakiraan kahortagga isku dhac markale dhexmara, Moscow oo Ciidan ka socda ay ku dhex jiraan askarta Labadaan Dal ayaa soo jeedisay in xal aan xabbad ahayn ay ku dhaqaaqaan labada Dowlad.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmaray Armenia & Azerbaijan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu cuslaa tan 2020kii oo foodda ay isdareen Ciidamada labada Dal oo isku qabsaday Gobolka Nogorno-Karabakh oo ay kala sheeganayaan dalalkaan.

Azerbaijan ayaa dhiggeeda Armenia ku eedeysay in ay jebisay Xabbad-joojintii dhexdooda taalay balse Dowladda Armenia ayaa iska fogeysay eedeyntaas, dhaliil lamid ah tan loo gudbiyay ayay isaga weecisay Armenia.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac ka muujiyay dagaalka dib uga soo dhex cusboonaaday waddamada xad-wadaagga ah ee muranka dhuleed ka dhaxeeya ee Armenia & Azerbaijan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here