Gabadh 9 jir ah oo lagu toogtay Magaalada Liverpool ee Dalka Ingiriiska.

0
270

Gabadh 9 jir ah oo lagu toogtay Magaalada Liverpool ee Dalka Ingiriiska.

Booliiska Ingiriiska gaar ahaan kan Merseyside ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan qof toogasho ka geystay Magaalada Liverpool kaddib markii uu dilay Gabadh 9 jir ah, halka uu dhaawacay labo ruux oo kale.

Toogashada waxa ay ka dhacday Guri ku yaalla Agagaarka Knotty Ash, Isbitaalka Magaalada Liverpool ayaa la geeyay labada ruux ee dhaawaca soo gaaray & Gabadha yar ee ku geeriyootay toogashada sida ay xaqiijiyeen ilo la hadlay Warbaahinta.

Sarkaal katirsan Booliiska ayaa sheegay “Murugada ay la qaybsanayaan qoyska dadka dhibaatadu gaartay, ciidamada ammaanka ayaa baaraya dhacdadaan si ay u helaan macluumaad dhammeystiran oo loo gudbin karo Maxkamad”.

Booliiska ayaa dalbaday in loo fududeeyo xogta laga heli karo muuqaallada ay duubeen Kaamirooyinka ay duubeen CCTV oo laga raad-raaci karo baarista kiiskaan sida uu sheegay sarkaalka katirsan Booliiska ee Warbaahinta la hadlay.

Waaxda dabagalka dambiyada ayaa sidoo kale sheegtay in ay dalbaneyso haddii ay jiraan Dad muuqaallo ku duubay telefoonnadooda si ay u saldhigaan kiiska toogashada ah ee ka dhacay Magaalada Liverpool ee Dalka Ingiriiska.

Waddamada Yurub waxaa kusoo kordhay toogashada ay geysanayaan Dadka hubka heysta waxaana loo sababeeyaa dhibaatooyinka Maskaxeed iyo isticmaalka walxaha maanka-dooriya oo dagaal adag ay la galaan Ciidamada Ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here