Maxaa sababay in natiijo la’aan uu kusoo dhammaado kulanka Muuse Biixi & Axsaabta mucaaradka?

0
264

Maxaa sababay in natiijo la’aan uu kusoo dhammaado kulanka Muuse Biixi & Axsaabta mucaaradka?

Magaalada Hargeysa waxaa ka dhacay kulan saddex geesood ah oo u dhaxeeyay Madaxweyne Muuse Biixi oo wakiil ka ah Xisbiga Talada ee Kulmiye iyo Axsaabta mucaaradka ee Waddani iyo UCID balse kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen guddoonka Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID, natiijo la’aanta waxaa sababay muran la xiriira Doorashada oo soo kala dhexgalay labadaan Xisbi oo dhinac ah iyo Kulmiye oo talada haya.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa warbaahinta u faah-faahiyay qodobada gaarka ah ay isku qabteen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isaga oo tilmaamay in aanay jirin qodob ay isku fahmeen madaxweynaha.

“Kulankii labada Xisbi Mucaarad iyo Xukuumadda oo garabkeedu yahay Xisbigeeda waxa uu ballanku ahaa in la kulmo 18ka May kaddib, min labo xubnood oo ka socda saddexda saddexda Xisbi ayaa kulmay, afar xubnood ayaan ku tagnay, Markii wadahadalka uu furmay, ajandaha aan ula tagnay waxa uu ahaa arrinta Doorashada ee la isku maan-dhaafsanaa in Madaxweynuhu uu ka daayo carqaladda, In uu faraha kala baxo Komishinka Doorashada oo ah mid madaxbannaan, in la isla waafaqo xiliga doorashada oo ah 13ka November in la isku waafaqo jadwalka balse mugdi ayuu geliyay, waxba islama garan” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa dhankiisa sheegay in 5 qodob ay la hortageen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehliyeen xubno katirsan Xisbigiisa kulmiye balse rejo beel ay kala noqdeen.

“Caawa Madaxweynaha aan arkay diyaar uma aha in uu qabto Doorasho, waxa aan ula tagnay in doorashadu dhacdo 13ka November oo ah waqtiga lagu ballamay, 5 qodob oo muhiim u ah doorashada, Madaxweynuhu waxa aan ula tagnay in aan la faragelin guddiga komishinka, nasiib darro waxa aan u tagnay Madaxweyne Careysan oo u muuqda in aan dulminay oo wax badan naga tirsanaya, kama muuqan in la is riix-riixo oo tanaasul ka muuqda sida aan ku qaban jirnay Doorashada” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Doodda ka taagan Doorashada Madaxweynaha Somaliland waa mid muddo ka dhex taagan saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye oo talada haya, Waddani iyo UCID oo mucaaradka ah waxaana marar kala duwan la sameeyay dhexdhexaadin la isugu soo dhaweynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here