Dowladda Hindiya oo joojinaysa shidaalka Sacuudiga, una leexanaysa shidaalka jaban ee Ruushka.

0
502

Dowladda Hindiya oo joojinaysa shidaalka Sacuudiga, una leexanaysa shidaalka jaban ee Ruushka.

Ugu yaraan laba shirkadood oo Hindi ah ayaa qorsheynaya in ay Sucuudiga ka iibsadaan saliid ka yar intii ay caadiyan iibsan jireen, ka dib markii boqortooyada Sucuudigu ay sare u qaaday qiimaha iibka rasmiga ah ee shidaalkeeda.

Labo ilo wareed oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters maalinimadii Arbacada, ayaa arrintan u xaqiijiyey iyada oo dalka Hindiya uu haatan sare u qaadayo inuu saliid jaban ka soo iibsado dalka Ruushka

Dalka Hindiya, oo ah dalka saddexaad ee ugu badan ee soo dhoofsada saliidda, ayaa waxaa aad u saameeyay kor u kaca qiimaha saliidda caydhiin, iyadoo qiimaha shidaalka ee gobollada qaarkood uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay.

Shirkadda Aramco ee dalka Sucuudiga oo ah shirkadda kaalinta ugu horreysa kaga jirta dhoofinta shidaalka, ayaa sare u qaadday saliidda ay u dhoofiso dalalka oo dhan, taas oo keentay in wadamada ku yaalla qaaradda Asia in qiimaha shidaalku uu haatan marayo meelihii ugu sarreeyey ee uu abid gaadho.

Shidaalka laga soo saaro bariga dhexe gaar ahaan Sucuudiga iyo Ciraaq, ayaa ah kan ugu badan ee dalka Hindiya uu soo dejisto ama isticmaalo. Iyada oo dalkani yahay dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn ee qaaradda Asia.

Ilaha ay wararka ka heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo, iyaga oo ku macneeyey in tallaabadani ay tahay mid sir ah ama aan la ogolayn inay debedda u baxdo.

Isha: VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here