Gaari Looga Shakiyay In Qarax Lagu Xiray Oo Galay Xarunta Villa Soomaaliya

0
572

Gaari Looga Shakiyay In Qarax Lagu Xiray Oo Galay Xarunta Villa Soomaaliya

Gaari looga shakiyey in lagu soo xiray waxyaabo qarxa ayaa Maanta gudaha u galay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana faah faahino laga helayaa xaaladda keentay gaariga galay Villada ee looga shakiyey in lagu soo xiray qarxa

Gaarigaan oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Prado ayaa la sheegay inuu watay nin la dhashay Marwada koowaad ee dalka, kaasi oo markii uu sii galayay Madaxtooyada Albaabka Gate One ka shakiyay Eeygii baarayay oo muujiyay inuu halis yahay gaarigaas.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale ku warramay in Ey labaad oo gaariga baarayay uu isna sidaas oo kale u muujiyay halis ka jirta gaariga, sidaas darteed ayuu tuhun weyn ka galay Ilaalada Madaxtooyada oo isugua jira AMISOM iyo Koofiyo Gaduud.

Wararka ayaa intaas kusii daray in Koox miina baarayaal ah loo dalbay si loo xaqiijiyo in gaariga walxa qarxa ku xiran yihiin, iyagoona markii ay gaareen goobta Miina baarayaasha xaqiijiyeen in gaariga laga shakiyay aanu walxo qarxa ku jirin.

Kooxda ayaa caddeeysay in sababta ay Eyaha halista uga muujiyeen gaariga galay Madaxtooyada ay tahay Taayarka gaariga oo uu ka uriyay Baaruud, isla markaana ay halis u arkeen arrintaas oo keentay in lagu kala cararo goobta uu yaallay gaariga.

Isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Xarunta Madaxyooyada Soomaaliya oo muddo kooban hakad galay ayaa si  caadi ah xaaladda kusoo laabatay. Ammaanka Xarunta Madaxtooyada ayaa aad loo adkeeyay, kadib Digniintii ay soo saartay Hay’adda NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here